Information for Community and Investigation

WAA AYO ABUUKAR CAWAALE AMA ABDI OOG YAASIIN? SOLA INVESTIGATES: UPDATED FEBRUARY 2024

Shabakada SolaPortal waxay baaritaan dheer oo ay soo codsadeen qaar ka mid ah aqristayasheeda ay ayaamahan ku waday shaqsi bulshada Somaliyeed ee dalka iyo dibada aad looga yaqaano oo ku soo caan baxay markii uu yiri waxaan ahay shaqsigii ka joojiyay wadanka Boqortooyada UK, cunida iyo ka ganacsiga maan dooriyaha qaadka, taasoo runtii ahayd mid runta ka fog oo dad badan ay aamini kari waayeen, sidaa awgeed shabakada baarista SolaPortal waxay baaritaan dheer ka dib ay idin soo bandhigeysaa taariikhda kooban ee Mr Abukar Awale ama Abdi Oog Jaamac Yuusf oo ah magaca uu ku dhashay isla markaana Yurub uu ku soo galay, ka dibna uu bedelay Abukar Awale markii uu u soo haajiray wadanka UK bilowgii 1996 dii.

Aqri qoraalka »

FAARAX XUSEEN OO KIM ABDI ISU BEDELAY, SOLA INVESTIGATES

Bilowgii sanadka 2020  waxaan arkay qoraal ay soo gelisay barteeda Facebook Gabar Somali ah oo lagu magacaabo KIM ABDI oo ku nool caasimada wadanka Jarmalka magaalada Berlin, qoraalkaa oo sawir la socday wuxuu ahaa sidan: Ma doonayo in nin Somali ah Facebook friend kula noqdo ama kula ahaado, sidaa awgeed UNFRIEND iga dhiga idin dooni maayee"

Aqri qoraalka »

WAA AYO UMMXABDULLAH? SOLA INVESTIGATES

Ummxabdullah oo magaceeda rasmiga ah uu yahay Ruksana Ali iyo seygeeda hasanatofficial oo magaciisu uu yahay Abu Abdullah Hasanat waa laba shaqsi oo ku nool wadanka UK isla markaana caan ka ah baraha bulshada sida Youtube, Facebook, Twitter iyo Instgram, waxay marwalba soo badhigaan nolol maalmeedkooda qoys ahaan, iyagoo dad badan ay daba socdaan ama Followers ay u yihiin.

Aqri qoraalka »

ABDI OOG/ABUKAR AWALE IYO SOLA ISKU DHACOODA HALKUU KA BILOWDAY?

Asxaab badan oo baraha SOCIAL MEDIA ayaa waxay iga codsadeen in aan u soo bandhigo siday wax ku bilowdeen iyo meesha layskala qaaday, runtii dad badan way ku jahawareereen oo waxay isku dayeen in arintaan ay uga hadlaan si daacadnimo ah oo cadaalada waafaqasan, laakiin waxay fahmi waayeen yaa DHAGAX TURRIDA bilaabay iyo qaabkee laysugu jawaabay,nasiib wanaag wixii COMPUTER lagu soo qoro waxay marwalba wataan oo aan laga been sheegi karin SHAABAD iyo meeshii hore loogu soo qoray hadii aan laga saarin, saa awgeed shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa sida ay ku bilowdeen arimahan foosha xun ee ABDI OOG/ABUKAR AWALE uu ku kacay oo wada qabsatay dhamaan baraha bulshada.

Aqri qoraalka »

XOD-XODASHADA IYO AWR ISKU-KACSIGA ISAAQ IYO HAWIYE WAA SHAR DAB-GELIN KARA? QALINKII USTAAD MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

Maxamed Ibraahim Cigaal. AHN, ayaa xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa u yimi wefti Eritrean ah.

Waa berigii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo Maxamed Faarax Caydiid. AHN, ay xoogga ugu dagaallamayeem Koonfur.

Weftiga Eritrean-ka ahi waxa ay Cigaal u sheegeen in berigii ay jabhadda ahaayeen in ay Tigreega kiciyeen oo 1975 u hubeeyeen in ay ku taageereen in ay jabhad hubaysan samaystaan.

Aqri qoraalka »

BEEN ABUURKA KUFSIGA LAGA SAMEEYAY FANAAN ISKILAAJI YAA KA DAMBEEYA? SOLA INVESTIGATES!

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyay qoraal la yiri wuxuu ka soo baxay jaraa'idka caanka ah ee Green Bay Press Gazette oo ka soo baxa Gobolka Wisconsin ee wadanka Mareykanka, joornaalka waxaa lagu daabacay qoraalkan: SOMALI MAN WANTED FOR RAPE,iyadoo taariikhda ku qoran ay tahay  28 Janaayo 2019, shaqsiyada qortayna la yiraahdo LAURA SMITH, shaqsiga la yiri waa FAKAD isla markaa lagu eeday kufi caruur waa fanaan Somaliyeed oo caan ah magaciisana la yiraahdo ABDIMAJID SAID laakiin inta badan loo yaqaano "SCHILLACI ama ISKILAAJI", arintan ayaa shabakada SolaPortal ay ku daba jirtay asbuucii la soo dhaafay taasoo dad aad u badan ay rumeysteen arintan in ay tahay mid sax ah oo jirta.

Aqri qoraalka »

DAHIR CALLASOW AND HIS BLACKMAILING EMPIRE! SOLA INVESTIGATES

 Sida aad ku aragteen baraha SOCIAL MEDIA qaas ahaan FACEBOOK iyo YOUTUBE waxaa bisha barakeysan ee Ramadaanka afka furtay DAAHIR CALLASOW oo dadka inta badan ay u yaqaanaan Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO, kaasoo ABDINASIR ISMAIL "SOLA" maalin walba oo bisha barakeysan lagu jiro isaga iyo kuwa Magafe ka soo fakaday ay isku dayeen in sidii dadkii hore  ugu BIIQSAN jireen ONLINE ay isku dayaan, laaakiin waxaa ka raacday fashil aad u weyn iyo iyagoo inta ay daaleen iska aamusay, laakiin su'aalaha ugu badan ee lays weeydiinayey waxay ahayd DAHIR CALLASOW MAXAA KA XANAAJIYAY oo waqtigiisa uu u geliyay shaqsi aan hal eray ku soo qorin SOCIAL MEDIA?

Aqri qoraalka »

MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA? QORAALKII FAHAD YAASIIN EE 2003

Qoraal aad u xiiso badan ayaa lagu daabacay shabakada SOMALITALK.COM sanadkii 2003 bishii Febraayo,kaasoo TITLE looga dhigay MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA? qoraalkan waxaa ku saxiixnaa EDITORKA oo ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sanadadii ugu dambeeyay ahaa shaqsi siyaasada Somaliya mug weyn ku leh oo qabtay jagooyin muhiim ah, qoraalkan wuxuu ka hadlayaa waxyaabihii ka dhacay caasimada Somaliya xilliyadii kala duwanaa ee dagaalka sokeeye iyo dadkii magaca ku yeeshay.

Aqri qoraalka »

ARINTA AXMED GEELLE, SOMALILAND, JABUUTI IYO FARANSIISKA - SOLA INVESTIGATES!

Ganacsade AXMED CISMAAN GEELLE iyo qoyskiisa waa reer aad looga yaqaano geeska Afrika gaar ahaan Jabuuti iyo Somaliland. waxay maal gelin ku sameeyeen ganacsi kala duwan oo ay ka mid tahay warashada COCA-COLA oo uu ka hirgeliyay meel Hargeysa u jirta 35 km taasoo ku baxday aduun dhan 17 Malyuun Dollar, waxaa xariga ka jaray Madaxweyne Siilaanyo 22 Maajo 2012, shirkada SBI "Somaliland Beverages Industries" ayaa awood u yeelatay in ay hesho shatigan ay ku furtay warashada COCA -COLA oo ka hawl gashay Somaliland iyo Puntland.

Aqri qoraalka »

FARSHAXANKA AMIIN CAAMIR MA RA'YIGIISAA MISE MEEL KALE AYUU KOOBI KA SOO SAMEEYAA? SOLA INVESTIGATES "UPDATED APRIL 2019

Waagii berisamaadka waxaan Radio Muqdisho ka maqli jiray AMIIN CAAMIR iyo CALI MALEEXAAN oo dhanka farshaxanka ku gacan yaraystay,iyadoo inta badan lagu arki jiray caasimada Somaliya iyo gobolada qaarkood sawirro aad u qurux badan uu sameeyay AMIIN CAAMIR oo dowlada Somaliya iyo Xisbiga aad u amaani jirtay,burburkii ka dib AMIIN CAAMIR wuxuu ka mid noqday dadkii qurbaha u soo haajiray,isagoo dalka Jabuuti ka dib u soo gudbay wadanka KANADA oo iminka uu ku nool yahay,wuxuu aad uga faaloodaa isagoo isticmaalaya sawir gacameed siyaasada Somaliya iyo wadamada ku hareera oo iminka ciidamo farabadan ay wadanka ka joogaan.

Aqri qoraalka »

QORAALKA XIISAHA BADAN EE ARIMAHA GEESKA AFRIKA UU QORAY CC SHAKUUR MALA SOO TARJUMAY MISE WAA ORIGINAL? SOLA INVESTIGATES!

Qoraal aad u xiiso badan oo ka hadlaya xaaladaha isbedelaya ee arimaha geeska Afrika oo lagu faafiyay shabakadaha iyo baraha bulshada oo uu qoray siyaasi ABDIRAXMAAN ABDISHAKUUR ayaan si xiiso leh u aqriyay, runtii waxaan ku tilmaami karaa in uu ahaa mid si hufan oo baaritaan dheer ay ku jirto loo qoray, isagoo warbixin falanqeyn iyo nuxur leh uu ka bixiyay, laakiin markii aan dhameeyay waxaan maskaxdeyda ka bixi weyday meeshii aan ku arkay qeybo ka mid ah qoraalkan!, sidaa awgeed ayaan isku dayey in aan baaritaan ku sameeyo meesha uu ka yimid qoraalkan xiisaha badan.

Aqri qoraalka »

SHAQSIGII SAWIRADA QARSOODIGA AH KA QAADAY FAHAD YAASIIN IYO QAABKA LOO OGAADAY “SOLA INVESTIGATES”

 

Baraha bulshada ama Social media wuxuu isu bedelay goob qof walba uu doonayo in shaqsi kale uu is yiraahdo ku fadeexee, taasoo mararka qaar u keeni karta qofka is lahaa dhibaato gaarsii cid kale ay isaga ku soo laabato, shabakada SolaPortal waxay baaritaan ku sameysay arin dadkii aqriyay ay aad ula fajaceen taasoo ka dhacday 35000 ft ama diyaarad hawada ku jirto oo sawiro si qarsoodi ah looga qaaday Fahad Yaasiin oo ahaa ah taliye ku xigeenka hay'ada nabadsugida Somaliya "NISA", taasoo sababtay in shaqsiyo ay xabsi, musaafurin iyo shaqo lumis ay ku muteystaan.

Aqri qoraalka »

WARBIXINTII MICHAEL KEATING EE QARAMADA MIDOOBAY "UN" IYO XAALADA SOMALIYA AY KU SUGAN TAHAY, ENGLISH IYO SOMALI.

Shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa warbixnta guud ee MICHAEL KEATING uu u gudbiyay QARAMADA MIDOOBAY oo ku saabsan xaalada guud ee Somaliya iyo isbedeladii dhacay tan iyo intii loo doortay in uu noqdo ergeyga qaaska ah ee Somaliya u qaabilsan qaramada midoobay, Mr KEATING oo bilaabay shaqadan JANAAYO 2016 ayaa wuxuu si faah-faahsan ugu qeexay fadhigii qaramada mdoobay ee arimaha Somaliya 13 SPETEMBER 2018, SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa iyadoo SOMALI aan ku tarjunay iyo kan INGIIRSKA oo ah warbixintii uu gudbiyay.

Aqri qoraalka »

MAXAA KA JIRA CODKA SIRTA AH EE LA YIRI WAXAA LAGA DUUBAY XUSEEN SHIRE? SOLA INVESTIGATES!

Shabakadaha farahabadan iyo baraha bulshada uu leeyahay Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO DAHIR CALLASOW ayaa waxaa lagu arkay arin dad aad u farabadan ay la yaabeen, ka dib markii uu yiri waxaan soo bandhigay COD SIR ah oo laga duubay ABWAAN XUSEEN SHIRE isagoo la telefoon kula hadlaya gabar Somaliyeed oo sawirkeeda uu dul saaray, iyadoo dadka aqrista ama daawada CALLASOW inta badan aan rumeysan wuxuu soo geliyo barihiisa bulshada ee farabadan ayaa shabakada SOLAPORTAL waxay idin soo bandhigeysaa baaritaan dheer oo ay ku sameysay siday wax u jiraan iyo maxaa ku qasbay CALLASOW in uu isku dayo FADEEXAYNTA shaqsi ay aad isugu dhoweeyaan waqti aad u dheer.

Aqri qoraalka »

QAABKEE LOO ADKEEYAA FACEBOOK SI AAN LOO JABSAN?

Shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa qaabka ugu fudud ee looga hortago jabsiga Facebook, waxaa baraha bulshada ku soo batay jabsiga Social media oo Facebook ugu horeeyo, tusaale ahaan maalintii waxaa laga yaabaa in dhowr jeer aad ka soo kala geshid Computerkaga guriga yaala, laptopka, telefoonka gacanta ama Computerka shaqada oo laga yaabo mararka qaarkood in aad ilowdid oo aadan oran LOGOUT,qaabka iyo sawirada la socda qoraalka hadii aad raacdid waxaa hubaal ah in aad ka hortegi kartid jabsiga ama la wareegida FACEBOOK.

Aqri qoraalka »

CALI YARE CALI IYO FARIIMAHA SOCIAL MEDIYAHA EE BAASBOORADA FAHAD YAASIIN MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!

Maalmihii la soo dhaafay waxaa lagu arkay baraha bulshada fariimo ay la socdaan sawirro dukumentiyo kala duwan oo uu leeyahay Agaasimhii hore ee madaxtooyada Mr Fahad Yasin, waxay isugu jireen Baasboor Somali, Kenyati iyo macluumaado kale oo u qaas ah taliye ku xigeenka nabad sugida Somaliya, arimahaan waxaa ka hadlay warbaahinta Somaliya iyo kuwa Kenya, iyadoo la sheegay in baaritaano kala duwan ay socdaan si loo ogaado yaa ka dambeeyay in dukumentiyadan qaaska ah la faafiyo isla markaana la ogaado sababta uu Mr Fahad Yasin ku qaatay Baasboor Kenyati ah isagoo xilal muhiim ah ka haya Somaliya.

Aqri qoraalka »

WARAAQDA BEEN ABUURKA AH EE MADAXWEYNAHA PUNTLAND LAGA SAMEEYEY IYO DACWADA BADDA SOMALIA IYO KENYA "SOLA INVESTIGATES"


    gas

Sida aan la wada socono maalintii ISNIINTA 13.7.2015 Somaliya waxay maxkamada caalamiga ah ee garsoorka u gudbisay dacwadd ka dhan ah wadanka Kenya,taasoo ay isku mari waayeen  xuduudd badeedaka ay wadaagaan labadan dal ee Somalia iyo Kenya,arimahan oo socday  waqti aad u dheer ayaa lagu wadaa in go,aanka uu soo bixi doono markii labada dhinac ee is haysta arimahooda la wada maqlo.

Aqri qoraalka »

DP WORLD IYO DEKADAHA GEESKA AFRIKA! SOLA INVESTIGATES

Shirkada weyn ee DUBAI PORT WORLD "DP WORLD" oo laga leeyahay Imaaraadka Dubai ayaa ka hawl gasha 77 dekadood iyo 40 wadan oo qaaradaha aduunka ku kala yaala,shirkadan baaxada weyn leh waxaa la dhisay sanadkii 2005, iyadoo ay ku biireen DPA "Dubai Ports Authority iyo DPI "Dubai Ports International oo dhidibada loo taagay sanadkii 2009. Waxay sanadkii 2006 iibsatay shirkada P&O Group ee wadanka boqortooyada UK. Isla sanadkaa waxay isku dayeen in ay la wareegaan dekadaha ku kala yaala Bariga iyo Galbeedka wadanka Mareykanka iyagoo aan ku guuleysan ka dib markii aqalka sare ee baarlamaanka Mareykanka uu ku gacan sayray.

 

Aqri qoraalka »

FAKE NEWS IYO WARBAAHINTA SOMALIDA! SOLA INVESTIGATES

Wasiirkii dowlada NAZI ga Jarmalka u qaabilsanaa arimaha dacaayadaha Joseph Goennels wuxuu yiri "“If you tell a lie big enough and keep repeating it, people will eventually come to believe it" kaasoo hadii la fasiro u dhow " hadii aad sheegto been aad u weyn oo marar badan aad ku cel-celisid, ugu dambeyn dadku way aaminayaan", saa awgeed ayaa sanadadii ugu dambeysay waxaa warbaahinta nooc walba ah ku soo kordhay wararka been abuurka ah ama FAKE NEWS, kuwaasoo loo isticmaalo nooc walba oo warbaahin ah, hadii ay ahaan lahayd TV, JARAA'IDYADA iyo SOCIAL MEDIA. Warbaahinta Somalida ayaa ku biirtay isla markaana maalin walba soo bandhigta waxyaabo si fudud looga dhaadhicyo bulshada ku xiran warbaahinta.

Aqri qoraalka »

DIGITAL CURRENCY FOR DUMMIES! SOLA EXPLAINS! UPDATED 27.12.2017

Sanadkii 2008 ilaa iyo waqtiga iminka lagu jiro waxaa laga maqlaa warbaahinta aduunka lacagahan cusub ee loo yaqaan DIGITAL MONEY, VIRTUAL CURRENCY ama CRYPTO CURRECY oo qaabka loo abuuray iyo cida ka dambeysa aan weli la ogayn,waa lacag VIRTUAL ah oo aan la arki karin ,la taaban karin,la urin karin isla markaana ah xisaabaadka loo yaqaan DIGITAL. DIGITAL CURRENCY waxay u kala baxdaa dhow boqol oo kala nooc ah,kan ugu caansan waa BITCOIN oo uu alifay shaqsi loo yaqaan SATOSHI NAKAMOTO oo ilaa iminka aan la aqoon qofka uu yahay iyo meesha uu ku nool yahay.

Aqri qoraalka »

QAABKEE LOO JABSADAY FACEBUUGII SALMAAN JAMAAL IYO SIDA LOO SOO CELIYAY! SOLA INVESTIGATES

SALMAAN JAMAAL SICIID waa shaqsi dhalinyaro ah oo Somalidu ay ka barteen dhanka warbaahinta iyo arimaha banii'aadinimada ah ee marwalba oo ku hawlanaa,waa shaqsi dad aad u farabadan ay qadariyaan isla markaana magac wanaagsan ku dhex yeeshay dhamaan bulshada Somaliyeed ee ku kala nool dalk iyo dibada,taasoo keentay in uu yeesho cadow isugu jiray dad ka maseeray waxqabadkiisa iyo kuwa naceeb iyo xaasidnimo ay nolol u noqotay,SALMAAN sidaan ognahay waxaa dhaawac weyn uu ka soo gaaray qarax ka dhacay Hoteelka Jazeera ee caasimada Somaliya bishii Luulyo 2015.

Aqri qoraalka »

FANAANKA AXMED ZAKI MA ISAGAA SOO QORAY AF-LAGAADADA MISE FACEBOOK AYAA LAGA JABSADAY? SOLA INVESTIGATES!

Fanaanka qurba joogta ah ee AXMED ZAKI runtii aqoon uma lahayn ka hor inta aan arkin arimaha la yiri wuxuu ku soo qoray bartiisa FACEBOOK oo isugu jiray CAAY loo geystay Muqdisho iyo kuwa shaqsiyo si aad u fool xun loo af lagaadeeyay.Shabakada solaportal.com waxay raad raac ku sameysay fanaanka AXMED ZAKI si ay u ogaato qofka uu yahay iyo siday wax uga jiraan arimaha la yiri wuu ku kacay,ugu horeyn waxaan soo ogaanay in uu yahay fanaan dhalinyaradu aad ay ula dhaceen oo cod macaan,waxaan aad ula dhacay heesta NAASKA CAASHAQA oo qaabka loo sameeyay uu ahaa mid ka duwan kuwii hore aan ugu arki jirnay fanaaniinta cusub,waxaana marqaati fur ah daawashada YOUTUBE oo 3 MALYUUN kor u dhaaftay.

Aqri qoraalka »

QAABKEE LOO XIRAY FACEBUUGII CALI YARE,YAASE KA DAMBEEYAY? SOLA INVESTIGATES!

ALI ABDI WARDHERE "ALI YARE" waa shaqsi si aad ah looga yaqaan siyaasada Somaliya qaas ahaan dowlada cusub ee FARMAAJO,wuxuu waqti badan la soo shaqeeyay dowladihii hore ee wadanka ka dhisnaa isagoo xilal kala duwan soo kala qabtay,ALI YARE waxaa aad loogu xasuustaa waqti Muqdisho lagu xiray isla markaana naftiisa halis ay gashay,maanta waa shaqsiga suura geliyay inta badan guusha iyo isbedelka Somaliya ka dhacay isagoo kaalin libaax ah ka qaatay doorashadii ugu weynayd ee Somaliya soo marta tan iyo xoriyadii 1960kii,ALI YARE oo qurba joog reer SWEDEN ahaan jiray iminka wuxuu si joogta ah ugu noolyahay caasimada Somaliya isagoo gebi ahaan ka soo luga xirtay wadankaa uu ku noolaan jiray,waxaa kale oo aad loogu yaqaanaa in uu yahay shaqsi DEEQSI ah,NAXARIIS BADAN oo SOMALINIMADANA ay aad ugu weyn tahay,asxbaata reer STOCKHOLM waxay ku xaman jireen in tayadiisa ugu wanaagsan ay tahay isagoo wax walba lala qaybsan karo.

Aqri qoraalka »

SKYPE SEX SCAM IYO QAABKA LAYSAGA ILAALIYO! SOLA INVESTIGATES. UPDATED 9.8.2017

Xiliyadan dambe waxaa SOCIAL MEDIYAHA ku soo batay in dhalinyaro qaarkood oo RAG u badan lagu sameeyo BLACKMAIL ama la handado si ay qasab ugu bixiyaan lacag,taasoo ka timid in laga duubay VIDEO aad u foolxun oo lagu yiri bixi lacagta ama waxaan u bandhigeynaa dhamaan asxaabtaada iyo qoyska aad ka dhalatay,runtii waa arimo ku cusub FACEBOOK iyo SKYPE oo inta badan ay ku dhacdo dhalinyarada aan ka fiirsan waxyaabaha ay u isticmaalaan baraha SOCIAL MEDIA,shabakada SOLA PORTAL oo arimahan marar badan kaga hadashay LIVE FACEBOOK ayaa iminka iyadoo qoraal ah u soo bandhigeysa aqristayaasha ku xiran shabakada si ay uga feejignaadaan arimaha aan kor ku xusnay.

Aqri qoraalka »

SHARCIYADA CUSUB EE DONALD TRUMP UU KU DHAWAAQAY IYO SAAMEYNTA SOMALIDA! SOLA REPORTS "UPDATED 6.3.2017"

Tan iyo intii loo dhaariyay xafiiska aqalka cad ee Mareykanka,Donald Trump wuxuu soo saaray sharciyo aad u adag oo saameyn weyn ku yeelan doona dadka ajanabiga ah ee u soo haajira wadanka Mareykanka iyo qaxootigii laga soo daad gurayn jiray wadamada Afrika,Aasiya iyo jasiiradaha ku dhow Australia,is bedelkan uu saxiixay madaxweynaha Mareykanka oo xilka la wareegay 20kii Janaayo 2017 waxay saameyn wayn ku yeelan doontaa Somali aad u tira badan oo ku kala nool isla wadanka USA iyo dad qaxooti ah oo sugayey in qoysaskooda ku nool Mareykanka ay ku biiraan,waxaa kale dowlada Mareykanka ay bilowday in ay musaafurin ku sameyso dad ku xirnaa dhowr sano xabsiyada wadanka USA oo iyagoo sharci leh dembiyo kala duwan ka galay wadankaas iyo dad kale oo magan gelyo siyaasadeed weydiistay USA oo dib loogu celiyay ama loogu celinayo Somaliya.

Waxaa 6.3.2017 lagu dhawaaqay sharci cusub oo wax ka bedelaya kii hore ee maxkamadaha federaalka ay ka hor yimaadeen.

 

Aqri qoraalka »

WADA SHAQEYNTA SOMALILAND IYO AL-SHABAAB EE LA YIRI WAXAA SOO QORAY WARIYAAL SWEDISH AH MAXAA KA JIRA? "SOLA INVESTIGATES"

 

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa shabakadaha iyo baraha Social Mediyaha lagu arkay qoraal luqadda Ingiriiska lagu diyaariyay oo cinwaankiisa uu ahaa "The Nexus between Somaliland and Al-Shabaab" oo ah shaqadda ka dhexeysa Somaliland iyo Al-shabaab,taasoo sida la yiri waxaa qoray laba wariye oo dhanka baaritaanka "investigative" oo la yiraahdo Peter Wolfson & Greta Backstrom,waxay ka hawl galaan sida qoraalka uu sheegayo magaalooyinka NAIROBI iyo STOCKHOLM,qoraalka waa mid aad u dheer oo runtii hal dhinac keliya ka hadlaya,sida caadada ah wariyaha Professionalka ah wuxuu mar walba eegaa labadda dhinac ee arimaha quseyso.

Aqri qoraalka »

RA'IISAL WASAARAHA CUSUB EE SOMALIYA MR HASSAN ALI KHAYRE IYO ARIMAHA MUSUQ-MAASUQA SOMA-OIL "SOLA INVESTIGATES"

Madaxweynaha Somaliya mudane MOHAMED FARMAAJO wuxuu Khamiis 23.2.2017 ku dhawaaqay in uu magacaabo ra'iisal wasaare cusub oo shacabka Somaliya mudo aad u dheer ah ay sugayeen,Mr HASSAN ALI KHEYRE waa shaqsi dhalinyaro ah isla markaa qurba joog ah oo haysta dhalashada NORWAY,shaqo siyaasadeed ama xafiis dowlad weli xil kama soo qaban,wuxuu shaqooyin kala duwan ka soo kala qabtay xafiisyada qaxootiga Somalida Norway iyo isagoo ahaa maamulaha Afrika ee shirkada SOM-GAS oo waqti dheer batrool ka baaraysay wadanka Somaliya,runtii Somalida aad ayay ula dhaceen doorashada shaqsigaan dhalinta yar ee ka duwan dadkii hore loogu bartay in ay Somaliya xakumaan,waxaa mar walba muhiim ah in fursad la siiyo mas'uulka ku soo biiray dowlada Somaliya,laakiin warbaahinta madaxa banaan mar walb waa in ay soo ogaataa taariikh nololeedka shaqsiga lagu aaminay maamulka wasaaradaha Somaliya.

Aqri qoraalka »

DUTCH WOMAN WITH TWO BRITISH CHILDREN TOLD TO LEAVE UK AFTER 24 YEARS

A Dutch woman who has lived in the UK for 24 years, and has two children with her British husband, has been told by the Home Office that she should make arrangements to leave the country after she applied for citizenship after the EU referendum.

Aqri qoraalka »

DOORASHADA SOMALILAND IYO FAKE NEWS ! SOLA INVESTIGATES

Doorashada dib u dhacday oo lagu wado in la qabto 2017 ee Somaliland waxaa lagu arkay waxyaabo cusub oo iminka siyaasadaha aduunka ku soo batay,waxaa la xaqiijiyay in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka DONALND TRUMP uu guusha ku helay FAKE NEWS ama WAR BEEN ABUUR AH,taasoo inta badan dadka aqoontooda ay yartahay si fudud ku aamini kara,waxaa soo batay FAKE NEWS oo inta badan lagu arko baraha SOCIAL MEDIA,iyadoo xiliyadan dambe laga gudbay warbaahintii hore ee jaraa'idyada,TVyada iyo Radio,arimahan waxay saameyn xoog leh ku yeesheen sida aqbaaraha loo helo waqti walba,waa 24 hours news,dhowr maalmood ka hor wasiirka arimaha dibada ee Pakistaan Khawaja Muhammad Asif ayaa jawaab uu ku bixiyey barta TWITTER ku qoray in PAKISTAAN ay u isticmaali doonto hubka Nukliyeerka ah wadanka Israa'iil,taasoo markii dambe la xaqiijiyay in ay ahayd FAKE NEWS ama aqbaaraadka aan sal iyo raadka lahayn.

Aqri qoraalka »

SHAQSIGA GABDHAHA SOOMAALIYEED SAWIRADOODA SHABAKADO U SAMEYSTAY KUNA FADEEXEEYA "SPECIAL REPORTS"

kamShantii sano ee ugu dambeysay waxaa baraha INTERNETKA ku soo batay shabakado raqiis ah oo loogu tala galay in GOOGLE looga lacageysto,iyagoo shaqo ka dhigtay in wax dhaqanka ISLAAMKA iyo kan SOMALIDA ka baxsan ay ku soo qoraan,waxay isla markaa isticmaalaan SAWIRRO ay si tuugnimo ah uga xadeen gabdho Somaliyeed,waxyaabaha ay soo qorayaan aan shaqo ku lahayn,iyadoo arimahan ay ku dhaqaaqeen keentay dhibaatooyin fara badan oo soo gaarta gabdhaha sawiradooda la xaday iyo qoysaskooda.

Aqri qoraalka »

QAABKEE LOO OGAADAY CAYAARYAHANKII SOMALIYEED EE ASTON VILLA XILIGII UU KU BIIRI LAHAA ISIS?

 Cayaaryahankii u taba barnaa in uu ku biiro kooxdii heerka koowaad ee ASTON VILLA oo iminka ku jirta Seria B ayaa waxaa maxkamad ku taala wadanka Ingiriiska ay ku xukuntay xabsi aad u dheer,ANAD ABDOW ABDULLAHI oo la tababartay kooxda ka dhisan magaalada Birmingham ee wadanka UK waxaa lagu waday in uu si buuxda u noqdo cayaaryahan ka dheeli kara kooxaha ka dhisan horyaalka wadanka Ingiriiska,Anas shaqadiisa caadiga ah waxay ahayd dhanka iyo computerka,isagoo waqti dheer ka shaqeeyay dukaanka wayn ee Selfbridges oo ku yaala caasimada labaad ee UK BIRMINGHAM.

Aqri qoraalka »

MAXAA KA JIRA TELEFOONKA WHATSAPPKA EE DHIIGA KAA DHUUQAYA KA DIBNA KU DILAYA? "SOLA INVESTIGATES" UPDATE 9.10.2016

 Bishii SEPTEMBER 2015 Blog aan ka aqriyo Internetka oo la yiraahdo HOAX SLAYER oo micnihiisa yahay BEEN GAWRACE ayaa waxaan ku arkay qoraal noocan ah "Satanic Agents Looking for Blood ‘ WhatsApp Warning Hoax" Shaqaalaha Shaydaanka oo doonaya dhiig,kaasoo ahaa arimo ka soo bilowday India ka dibna ku faafay qaarada AFRIKA,arimaha noocan ah mar walba INTERNETKA waa lagu arkaa,laakiin waa sheekooyin mala awaal ah oo dad qaarkood ay u isticmaal dana iyaga u gooni ah ama doonaya in ay lacag si qarsoodi ah uga sameeyaan.

 

 

Aqri qoraalka »

ANN COULTER ARIMAHA AY KA QORTAY SOMALIDA MINNESOTA MAXAA KA JIRA?

ANN COUKTER waa 54 jir Mareykan ah oo inta badan lagu eedo in ay tahay CUNSURIYAD ka soo horjeeda Muslimka,ajaaniibta ku nool Mareykanka iyo qof walba oo aan ahayn CADAAN iyo MASIIXI,waxaa inta badan lagu arkaa telefishinada garabka midig ee wadanka USA,waa qoraa daabacday buugaag aad u tira badan oo inta badan lagu eedo in ay yihiin kuwa jinsi naceeyb xambaarsan,waxaa lagu arkaa TVga FOX NEWS oo ah kan ugu codka iyo daawashada badan ee Ameerika,buugii ugu dambeeyay ee ay qortay waxay aad uga hadashay Somalida ku nool USA qaas ahaan gobolka ay aadka u degan yihiin ee MINNESOTA,ma aha markii ugu horeysay ee Somalida lagu war hayo arimaha gobolkaas,DONALD TRUMP oo ah musharaxa madaxweynaha Mareykana ayaa dhowr bil ka hor wuxuu yiri SOMALIDA ku nool MINNESOTA waxay gacan siiyaan ISIS,buuga ay ANN COULTER qortay waxaa la yiraahdaa ADIOS AMERICA ama NABADEEY AMERIKA,runtii wuxuu taabanayaa qowmiyadaha kala duwan ee ku nool USA,laakiin arinta Somaliya ayay aad ugu dheeraatay,iyadoo qaar ka mid qoraaladeeda ku tilmaamtay Somalidu in ay yiihiin dad PRIMITIVE ah ama HEER HOOSE!,shabakada SOLAPORTAL.COM waxay soo xushay qaar ka mid qoraalada buuga ANN COULTER.

Aqri qoraalka »

DOWLADDA UK OO KU DHAWAAQEYSA SHARCIYO CUSUB OO LA XIRIIRA BREXIT UPDATED 15.10.2016!

Dhamaadka sanadkan 2016 dowladda UK waxay ku dhawaaqeysaa sharciyo la xiriira AJAANIIBTA u dhalatay wadamada EU ee doonaya in ay ku noolaadan,ka shaqeeyaan ama wax ka bartaan,waxaa lagu wadaa in dadka ka yimaada wadamada xubinta buuxda ka ah YURUB loo kala saari doono seddex qeyb.

ARDEYDA,DALXIISAYAASHA SI XOR AH AYAY U IMAAN KARAAN WADANKA UK,hadii aad XIRFAD ama SKILLS leedahay waxaad dalbaneysaa VISA iyo WARAAQ SHAQO "WORK PERMIT" oo si fudud aad ku heli kartid,hadii aadan lahayn XIRFAD "UNSKILLED",laguu ogolaan maayo in aad UK ku noolaatid ama aad timaadid.

Dowlada UK ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ARTICLE 50 ee heshiiska LISBON si rasmi ah u hawl geli doono dhamaadka bisha Maarso 2017,iyadoo isla xiligaa ay ku dhawaaqi doonaan isbedelka sharciyada YURUB ee la xiriira GANACSIGA,AJAANIIBTA,DEGAANKA,VISAHA iyo sharciyo kale oo dhowr boqol ah ee u kala dhexeeyay UK iyo YURUB,isbedelka dhacaya hadii dowlada UK ay si rasmi ah u hirgeliso waa iyadoo dhamaan sharciyadii YURUB ay ku heshiiyeen 1972 aanu saameyn ku yeelan doonin wadanka UK,ARTICLE 50 markii lagu dhawaaqo oo la saxiixo wuxuu soo af-jarmayaa dhamaadka 2019,taasoo gebi ahaan xiriirka UK iyo YURUB isbedel aad u weyn uu ku dhacayo

Sida aan la socono waxaa AFTI laga qaaday dadka ku nool wadanka Ingiriiska 23.6.2016,kaasoo la yiri kala doorta in UK ay xubin ka ahaato Yururb iyo inkale,boqolkiiba 52 waxay codka ugu shubeen in ay doonayaan ka bixida ama BREXIT ee wadanka Britian,arintaa ayaa si aad ah u saameysay suuqa lacagaha ee aduunka,iyadoo waxyaabo badan ay isbedeli doonaan labada sano ee soo socota.

Ugu horeyn Ra'iisal wasaaraha Britian Mr David Cameron ayaa wuxuu iska casilay shaqadii,iyadoo ay uga dhiman tahay dhowr sano,wuxuu go,aansaday xiliga laga soo laabto fasaxa kuleelaha in uu shaqada si rasmi ah u wareejin doono.

Aqri qoraalka »

KITAABKA QURAANKA LA YIRI WAXAA LAGA HELAY MAKTABAD KU TAALA MAGAALADA BIRMINGHAM - WAA MARIN HABAABIN ISLAAMKA LAGULA DAGAALAMAYO "SPECIAL REPORT"

koran1Jaraa'idyada ka soo kala baxa wadamada UK iyo USA oo inta badan ah kuwa garabka midig ayaa waxay aad uga faaloodeen KITAAB la yiri waxaa laga helay maktabad ku taala caasimada labaad ee wadanka boqortooyada UK magaalada BIRMINGHAM,taasoo sida ay ku qoreen shabakadaha iyo jaraa'idka la daabaco ay ku sheegeen in kitaabkan la qoray inta u dhexeysa sanadadii 568 AD iyo 654 AD,taasoo ay leeyihiin waxay ka horeysaa waqtigii RASUULKA "SCW" Quraanka lagu soo dejiyay oo ahayd inta u dhexeysa 609 AD iyo 632AD oo ah 23 sano.

Aqri qoraalka »

BADDA KENYA IYO SOMALIYA AY ISKU HEYSTAAN "SOLA EXPLAINES"

 

Waxaa maxkamada caalamiga ah ee ICJ "International Court of Justice oo xarunteeda ay tahay magaalada HAGUE ee wadanka Netherlands ka socda maxkamad ay Somaliya ku soo oogtay wadanka Kenya oo quseysa arimaha xuduuda badweynta Hindiya ee u dhaxeysa labada wadan ee deriska ah,arimahan waxay ahaayeen kuwa socday dhowr sano,iyadoo xuduuda laysku haysto ay ku hoos aasan yihiin qayraad aad u tira badan oo dowladaha Faransiiska,Norway iyo Imaaraadka ay heshiis hoosaad la galeen dowlada Kenya.

Aqri qoraalka »

DAAHIR CALLASOW IYO ABUUKAR CAWAALE HALKAY ISKALA QAADEEN? VIDEOS!UPDATED 9.9.2016

Dhowr maalmood ka hor waxaan barta FACEBOOK ku arkay Video Youtube la soo geliyay oo Daahir Callasow uu kaga hadlayo Abuukar Cawaale oo loo yaqaan QAAD DIID,waxyaabo aad u farabadan ayuu kaga hadlay muuqaalka uu soo dhigay Youtube,wuxuu ku bilaabay eedo uu dusha ka saaray Mr Awale oo iminka ku sugan wadanka Somaliya oo sida la sheegay u tagay arimaha ka hortaga qaadka iyo wacyi gelinta dhalinyarada Somaliyeed ,runtii waa arin aad u wanaagsan oo Mr Abukar Awale in marwalba lagu dhiiri geliyo isla markaana lagu gacan qabto ay banaan tahay,tabcan Daahir Callasow waxa uu qoray xor ayuu u yahay,laakiin sheekada hadii ay ahaan lahayd waxaan SHAQSIYAD ahaan uga soo horjeedaa Abukar Awale cidna kama yeeli lahayn, anagana 100% waxaan taageeri lahayn QAAD DIID,laakiin sida aan ka daawanay Youtube sheekada way ka weyn tahay QAAD iyo ka hortagiisa.

Aqri qoraalka »

ARIMIHII ILHAN OMAR MAXAA CUSUB OO SOO KORDHAY? SOLA INVESTIGATES!

Arimihii lagu eeday ILHAN OMAR oo ah gabadhii ugu horeysay oo MUSLIN AFRIKAN ah ee ku guuleysata kursiga aqalka sharciyada gobolka MINNESOTA ayaa waxaa ku soo kordhaya waxyaabo aad u farabadan,ugu horeyn dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay shabakada SOLAPORTAL.COM waxaa wadanka Mareykanka kala soo xiriiray dad isugu jira ajaaniib iyo Somali oo doonaya arimaha ILHAN OMAR iyo shaqsiga la yiri waa walaalked oo la yiraahdo AHMED NUUR ELMI oo iminka ku nool wadanka UK,ugu horeyn sidaan hore u sheegnay ILHAN OMAR gebi ahaan way beeneysay arimaha lagu eeday,iyadoo sheegtay in AHMED NUUR ELMI uu ahaa shaqsi ay is guursadeen isla markaana kala tageen,waxaan u arkaa ayay tiri arimta AHMED ELMI ee la yiri waa walaalkeed FADEEXAYN iyo BEEN ABUUR.

Aqri qoraalka »

MA RUN BAA ARIMAHA LAGU EEDAY ILHAN OMAR EE GUURKA WALAALKEED IYO KURSIGA AY KU GUULEYSATAY? SOLA INVESTIGATES!

ILHAN OMAR waa gabar Somali ah oo ku guuleysatay tartankii golaha wakiilada ee Minnesota,iyadoo noqotay shaqsigii ugu horeeyay SOMALI-AMERICAN ah oo xafiis noocan ah loo doorto,Ilhan waxay tartan kula jirtay Phyllis Kahn and Mohamud Noor oo bishan Agoosto 9 ay kaga guuleysatay,guusha ay gaartay waxaa u riyaaqay dhamaan Somalida ku kala nool dalka iyo dibada,waxaan fariin hambalyo ah u soo diray Ra'iisal wasaaraha Somaliya iyo mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga talada wadanka Mareykanka haya ee Dimoqoradiga.

Runtii si sharci ah oo taageeryaal badan ay u codeeyeen ayay Ilhan ku heshay kursigan muhiimka ah,dhowr maalmood ka dib waxaa warbaahinta Mareykanka ay  ka qoreen iyagoo aqbaar ka helay shaqsi Somali ah oo la yiraahdo ABDI JOHNSON oo ku nool NORTH AMERICA isla markaana TAFATIRE ka ah shabakada SOMALISPOT.COM arimo ILHAM OMAR ku saabsan oo sida warbaahinta GARABKA MIDIG ay qoreen lagu eeday waxyaabo kala duwan.

 

Aqri qoraalka »

MAXAA KU QASBAY ABDULLAHI XIIREY IN UU DURAN FARAH BEEN ABUUR KAGA SAMEEYO FACEBOOK MESSAGE ?"SOLA INVESTIGATES"

 

Ugu horeyn waxaa laga yaabaa in aqristayaasha shabakada SOLAPORTAL aan aqoon u lahayn labadan shaqsi ee la kala yiraahdo ABDULLAHI XIIREY iyo DURAN FARAH,waa laba qof oo SOMALIYA ku wada nool isla markaana ka shaqeeya dhanka cayaaraha iyo dhalinyarada,Mr Duran Farah waa xoghayaha Olimbikada Somaliya,iyadoo bahweynta isboortiga ay aad u yaqaanaan isla markaana  xilal kala duwan ka soo kala qabtay GOS "Guddiga Olimbikada Somaliya",Mr Abdullahi Xiirey waa agaasimaha waaxda dhalinyarada ee wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga,waxaa is weydiin leh halkay iskala qaadeen maxaase isu keenay?

Aqri qoraalka »

TAHRIIBKA IYO MUQALASIINTA SOMALIDA EE MASAR! SOLA INVESTIGATES

 

Dhowr bilood ka hor shabakadan SOLAPORTAL.COM waxay qoraal aad u dheer ku soo bandhigtay dhibaatada ay leedahay safarada TAHRIIBKA ee dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ku soo batay wadamada Afrika iyo Carabta,qoraalkaa wuxuu ahaa DHIBAATOOYINKA AY LA KULMAAN SOMALIDA LIIBIYA IYO YURUB U TAHRIIBTA "DAAWO" arimaha aan shabakada kaga hadalnay waxay soo jireen waqti dheer waxaana ka ganacsada dad Somali ah oo aan dan ka lahayn hadii  badda ama saxaaraha ay ku halaagmaan dhalinyaradan Somaliyeed ee doonaya in noloshooda ay wax ka bedelaan.

Aqri qoraalka »

BOOCAME, WARIYAHA CAALAMIGA AH INTA AANU FALIN BUU KA FIIRSADAA,RUNTANA KAMA FOGAADO!

Sanadkii 2005 ta waxaan course waxbarasho ka sameeyay London School of Journalism oo ah macad aad u weyn oo lagu barto caluumaadka warbaahinta iyo sidii aad u noqon lahayd Professional Journalist,waxbarashada waxay socotay dhowr bilood,iyadoo imtaaxaanaad iyo tijaabooyin ka dib lagu gudoonsiiyo shahaado rasmi ah oo aad uga shaqeyn kartid meel walba oo luuqada Ingiriiska looga hadlo,waxyaabaha ugu muhuumsan ee aan ka bartay waxay ahayd in shaqsiga warbaahinta ka shaqeeya ee wariyaha ah aanu lahayn RA'YI isaga u gooni ah waqtiga uu qorayo,hadlayo ama tebinayo barnaamij noocee doonaba ha ahaadee,mar walba waa in uu dhex-dhexaad ahaadaa,isagoo xushmeynaya sharafta warbaahinta.

Aqri qoraalka »

ARINTA DADKA LA YIRI KELIYAHA AYAA LAGALA BAXAY EE MASAR MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!

Arin Somalida dalka iyo dibada ku kala nool ay aad uga xumaadeen oo naxdin badan ku abuurtay ayaa waxaa lagu arkay barta FACEBOOK,iyadoo la yiri dalka MASAR waxaa hooyo iyo caruurteed lagala baxay keliyaha ka dib markii ay bada soo TUFTAY,iyadoo shaqsi ku nool wadanka MASAR oo Somali ah eed dusha laga saaray isagoo la yiri waa dilaalka xubnaha muhiimka ah ee bani'aadimka ka shaqeysta,arintaa ayaa noqotay mid warbaahinta Somalida ay ka hadlaan,iyadoo lagu arkay FACEBOOK sawirro aad u foolxun oo naxdin leh, kuwaasoo ay soo geliyeen qaar ka mid ah dadka bulshada Somalida magac iyo sharaf  ku leh.

Aqri qoraalka »

SHAQSIYADA U OLOLEYNAYA XASUUQA DADKA KA SOO JEEDA GOBOLADA KOONFUR GALBEED SOMALIYA EE KU NOOL PUNTLAND?

Dagaalkii 1994 ee dhexmaray qowmiyadaha HUTU iyo TUTSI ee wadanka Rwanda oo ay ku naf waayeen dad shacab ah oo an waxba galabsan wuxuu ka bilowday dhiira gelin laga maqlay dhanka warbaahinta oo ay ka dambeeyeen shaqsiyo ka soo kala jeeda dadka ku wada nool isla wadankaa Rwanda,markii dagaalkii la soo af jaray waxaa ku naf waayey 800,000 kun oo intooda badan ay ahaayeen dad aan ka qeyb gelin dagaalka oo sababta ay u dhinteen ay ahayd QABIILKA ama reerka ay ka soo jeedaan,BBC warbixin ay arintaa ka diyaarisay waxay ku tilmaamtay "The most prominent hate media outlet was the private radio station, Radio Television Libre des Mille Collines.

 

 

Aqri qoraalka »

WAA KUMA SHAQSIGAN MIKAEL TORSTENSSON EE SOMALILAND AY U MAGACAWDAY SAFIIR SHARAFEEDKA YURUB? UPDATED JANUARY 2018

Shaqsigan u dhashay wadanka Sweden ee lagu magacaabo Mikael Torstensson waa qof runtii aad u taageera Somaliland,isagoo inta badan ka hadla warbaahinta Yurub iyo kuwa Somalidu ay leedahay,wuxuu ka qeyb galaa shirarka muhiimka ah ee Somaliland ku dooneyso in ay ku hesho madaxbanaani,Mikael Torstensson taageeradiisa waa mid dhanka cayaaraha,horumarinta iyo wax walba oo Somaliland quseeya,go'aankiisana waa in lagu xaq dhowraa,wararka ka soo baxaya dowlada Somaliland waxay sheegayaan in Mr Mikael Torstensson loo doortay SAFIIR sharafeedka Sweden iyo YURUB ee Somaliland,taasoo si rasmi ah ay u xaqiijiyeen maamulka sare ee Somaliland.

 

 

Aqri qoraalka »

UNIVERSAL TV IYO FURSAD FUND MAXAA ISU KEENAY OO KA DHAXEEYA?

 

Telefishinka Unviversal ee afka Somaliga ku baxa waa kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo Somaliya iyo qurbaha ka dib markii Telefishinkii qaranka Somaliya uu la burburay waagii dagaalada sokeeya ay bilowdeen,waxaa si wadajir ah u aas-aasay ganacsato ku kala nool wadamada Somaliya iyo Norway,iyadoo markii dambe ay la wareegeen dad ku nool wadanka UK oo ilaa iminka ay dacwado u socdaan milkiilayaasha iyo dadka sheegtay in ay si rasmi ah u leeyihiin.

Aqri qoraalka »

VISAHA MAREYKANKA IYO KANADA AY KU GALAAN DADKA WATA BAASBOORADA YURUB OO SOMALIYA,YEMEN IYO LIIBIYA U DHASHAY OO SHARCI CUSUB KA SOO BAXAY "UPDATED 18.2.2016!!

usavis2

Wadanka Mareykanka ayaa ku tala jira in uu isbedel aad u weyn ku sameyn doono VISAHA loo yaqaan WEAVER,kaaso 38 wadan ay ku galaan wadanka Mareykanka VISA la'aan,iyadoo looga baahan yahay oo keliya buuxinta form Internet ku jira oo waqti aad u yar kuu ogolaanaya VISA aad ugu safri kartid wadanka Mareykanka oo aan dhicin 2 sano,isbedelkan oo lagu dhawaaqay maalintii Isniinta 30.11.2015,wuxuu si rasmi ah u hirgeli doonaa dhamaadka sanadka 2015.

Aqri qoraalka »

MAXAA KA JIRA WARAAQDA LA YIRI WAXAY KA SOO BAXDAY SAFAARADA SOMALIYA EE ANKARA OO LOO QORAY SHAQSIGII ISKU QARXIYAY DAALLO AIRLINE? "SOLA INVESTIGATES"

 

Taariikhda markay ahayd Feberaayo 2-2016 waxaa diyaarad ay leedahay shirkada DAALLO isku dhex qarxiyay sida la sheegay shaqsi curiyaan ah oo LAPTOPKA uu watay waxyaabaha qarxiya loo geliyay,ka dibna qaar ka mid ah shaqaalaha gegida diyaaradaha ee Muqdisho markii uu soo dhaafay dhanka SECURITIGA si hoos ah ugu dhiibay LAPTOPKA,arintan waxaa si aad ah uga hadlay dhamaan warbaahinta aduunka,iyadoo shaqsiga keliya ee ku naf waayey uu ahaa qofkii la yiri wuu is qarxiyay,diyaarada ayaa ku soo laabatay garoonka ay ka duushay muddo aad u yar ka dib,iyadoo dhamaan rakaabkii saarnaa ay ka badbaadeen,baaritaan dheer oo ay sameeyeen waaxda nabad sugida Somaliya ee NISA,waxay xaqiijiyeen in shaqsiga is qarxiyay isla markaana diyaarada ka dhacay uu ahaa ABDULLAHI ABDISALAAM BORLEH oo ku sii socday wadanka Turkiga isagoo markii hore qorshihiisa ahaa in uu raaco TURKISH AIRLINE,laakiin arimo la xiriira isbedelka hawada ama cabsi ay maqleen aawgeed aan ka soo degin XAMAR.

Aqri qoraalka »

ABDRIZAK KAMPALA OO GABDHAHA SOMALIDA ONLINE KU FADEEXEYN JIRAY WUXUU IMINKA FURTAY SHABAKO KA SII DARAN "SAWIRRO"

 Aqristayaasha shabakada SOLAPORTAL  waxay si fiican u xusuustaan ABDIRIZAK YUSUF ABDALLA oo ku magac dheer "ABDIRIZAK KAMPALA"
Wuxuu ku noolyahay magaalada CAPE TOWN ee wadanka SOUTH AFRICA,waa shaqsi ku shaqeysta shabakadaha lagu fadeexeeyo gabdhaha Somaliyeed,isagoo ka xada sawirrada ay soo geliyaan baraha SOCIAL MEDIA,wuxuu iminka mas'uul ka yahay shabakadaha ugu badan ee Somalida kuwooda lagu soo bandhigo sawirrada been abuurka ah ee dumarka qaawan iyo ka sheekeeynta waxyaabo dhaqanka Somalida iyo kan diinta islaamka ka fog.

Aqri qoraalka »

WARAAQDA WARAN-CADE U DIRAY GENERAL GAAFOW EE BAASABOORADA MAXAA KA JIRA? "SPECIAL INVESTIGATION"

Waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey laysla dhexmarayey warbaahinta Somaliya iyo Somaliland arin ku saabsan codsi uu dhamaadkii sanadkii hore u diray wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mr Ali Mohamed Waran-Cade,isagoo ka codsadey taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha Somaliya General Abdullahi Gaafow in uu ka aqbalo furitaanka xafiis Baasboorada oo laga hirgeliyo Somaliland,si ay ugu fududaato qaadashada Baasboorka Somaliya oo wadamada qaarkood si xor ah loogu safri karo.

Aqri qoraalka »

YAA LUNSADAY LACAGIHII LAGU DAAWAYN LAHAA MAXAMED SOMALI? "SPECIAL INVESTIGATION"

Maxamed Axmed Jeylaani waa wiil 10 jir ah oo ku noolaan jiray caasimada wadanka Somalia ee Muqdisho,waxaa lugta midig ka soo gaaray dhaawac halis ah,ka dib markii uu gaari ku jiiray isagoo ka yimid dugsi quraan,qoyska uu Maxamed ka dhashay waa dad sabool ah oo quutal yoonka maalinlaha ah aan heli karin,sidaa awgeed ayaa qaar ka mid ah warbaahinta Somaliya ay faafiyeen xaaladiisa liitada,iyagoo ka codsaday qurba joogta in ay usoo gurmadaan Maxamed Yare oo markii dambe loo bixiyay Maxamed Somali.

Aqri qoraalka »

MAXAA KA JIRA AXMED KALAAY OO LA YIRI GABADHIISA AYUU KUFSADAY? "SPECIAL INVESTIGATION"

Dhowrkii sanno ee ugu dambeysay waxaa baraha internetka ku soo batay shabakado,baraha Social media ee Facebook,whatiapp iyo youtube,iyadoo inta badan loo isticmaalo wanaag iyo horumar,laakiin ay jiraan dad aad u tira yar oo lagu tilmaami karo in ay yihiin mooriyaantii isbaarada u taalay Somalia oo iminka u soo wareegay ISBAARO ELECTRONIC,maalin walba waxaa la arkaa waxyaabo dhaqanka suuban ee Islaamka iyo anshaxa Somalida ka fog oo intii xishoodkii laga tegay loo laabtay waxyaabo dhaqanka Somalida aan lagu aqoon ah in Hooyo,walaalo iyo dumar lagu fadeexeeyo Internetka,si dagaal aar gudsi ah loo sameeyo.

Aqri qoraalka »

SOLAPORTAL OO SOO OGAATEY SHAQSIGII FACEBUUGA BUGTA AH KA SAMEYSTAY MUKHTAAR CUTI ISLA MARKAANA KA XIRTAY "SPECIAL INVESTIGATION"

Shabakada SOLAPORTAL ayaa waxay baaritaan waqti dheer qaatey ku sameysay FACEBOOK si been abuur ah loogu sameystay magaca LEGEND MUKHTAAR MAXAMED AXMED "MUKHTAR CUTI" kaasoo shaqsi sameystay uu iska dhigay isla markaana isticmaaley magaca MUKHTAR CUTI.

Shaqsigaan oo shabakada SOLAPORTAL ay soo ogaatey magaciisa iyo meesha uu ku noolyahay, iyadoo adeegsaneysa qubaro dhanka cilmiga computerada ku taqsusay, ayaa isla markiiba gebi ahaan ka xiray BOGGA FACEBOOK ee shaqsigan TUUGA ah uu ku leeyahay.

Aqri qoraalka »

NATIIJADA BAARISTA SOCIAL MEDIAHA EE SHABAKADA SOLAPORTAL!

Waxaa laga yaabaa aqristayaasha qaarkood in ay is yiraahdaan qoraalka iyo baarista shabakada SOLAPORTAL waan aragnay,laakiin waa maxay ujeedada ka dambeysa iyo wixii ka soo baxay?runtii waa su'aal muhiim ah oo qof walba uu is weydiin karo,ugu horeyn shabakada waa mid baaris dhanka INTERNETKA ah,kaasoo ay iska kaashadeen dad cilmiga warbaahinta iyo tiknoolijiyada si fiican u yaqaan,lagama yaabo in shabakada qof lagula dagaalo ama been abuur aan raad lahayn lagu soo bandhigo,mar walba oo aan soo qorno baaritaan waxaan soo raacinaa sawirro,Video ama waxyaabo xaqiiqo ah oo qofkii laga qoray uu ku qanci karo,tabcan qalad waa dhici karaa,hadii aan arago raali gelin ayaab ka bixinaa inagoo isla markaa ka saarna laga soo sheegtay.

Aqri qoraalka »

BAARLAMAANKA SOMALIYA OO MAMNUUCAY IN DHULKA EX BAARLAMAANKA LAGA IIBIYO UNIVERSAL TV "SPECIAL REPORT"

 

Bilowgii bisha Diseembar ee 2015 ayaa warbaahinta afka Somaliga ku hadasha waxaa lagu arkay in baarlaamnkii hore ee Somalia oo ku yaal faras magaalaha caasimada Somalia laga iibiyay AXMED ABUUBAKAR oo ah ganacsade qurba joog ah isla markaana ah milkiilaha telefishinka Universal oo xaruntiisa ay tahay magaalada London,iibka oo uu ka dambeeyay duqa cusub ee magaalada Muqdisho YUUSUF XUSEEN JIMCAALE oo dhowr bil ka hor lagu bedelay MUUNGAAB oo ahaa shaqsi shaqsigii bilaabay in hantida qaranka laga iibiyo dad ganacsato ah.

Aqri qoraalka »

TELEFISHINADA SOMALIDA LACAGAHA AY U URURIYAAN MASAAJIDYADA IYO MASAAKIINTA YAA KULA XISAABTAMA? SPECIAL REPORT!

tvsSOMALIDU waa dad deeqsi ah naxariis badan mar walbana gacan qabta dadka liita ee dagaalada sokeeye uu saameynta weyn ku yeeshay nolashooda daruuriga ah,waxaa jira dad is kaashaday oo har iyo habeen u taagn sidii loo gacan qaban lahaa maatada aan wax galabsan ee halaagan rubuc qarniga ka abuurnaa Somalia uu saameyn ku yeeshay.

Aqri qoraalka »

SABABTA ABDIRIZAK KAMPALA UU GABDHAHA SOMALIYEED SAWIRADOODA U XADO UNA ISTICMAALO OO LA SOO OGAADAY UPDATED 24.12.2015

qabABDIRIZAK YUSUF ABDALLA oo ku magac dheer  "ABDIRIZAK KAMPALA" u lacag uga helo wuxuu ku nool yahay magaalada CAPE TOWN ee cariga SOUTH AFRICA,isagoo sidaan hore u sheegnay shaqo ka dhigtay in uu XADO sawiradda gabdhaha SOMALIYEED ee FACEBOOK iyo INTERNETKA,taasoo uu u isticmaalo shabakooyin aad u fara badan ee uu ka sameystay INTERNETKA,sababtuna waa in uu lacag uu ku noolaado kaga sameeyo shirkada GOOGLE ee hadii sawirka la riixo shilimaad u soo dirta.

Aqri qoraalka »

DHIBAATOOYINKA AY LA KULMAAN SOMALIDA LIIBIYA IYO YURUB U TAHRIIBTA "DAAWO"

mainDhalinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho Somali ah ayaa mar walba isku daya in ay u TAHRIIBAAN wadamada YURUB,iyagoo socdaalkan dheer ee rafaadka uu wato ku maraya SAXAARAHA iyo wadamo nabad geliyadooda ay aad  halis u tahay,tusaale ahaan TAHRIIBAYAASHA ka socdaala magaalooyinka SOMALIA waxay sii maraan ITOOBIYA - SUDAAN,iyagoo wadanka LIIBIYA ka gala XUDUUDKA SAXARA ah ee labada wadan u dhexeeya,kaasoo hadii loo eego baaxada labada wadan ah mid aad u yar oo 383 KM ah.

Aqri qoraalka »

DIYAARADAHA ADUUNKA UGU HALISTA BADAN EE LAGU SAFRO "SAWIRRO"


    pl1Waxaa batay 30kii sano ee ugu dambeysay safarada diyaaradaha aduunka loogu kala socdaalo,iyadoo ay jiraan kumanaan shirkado oo ka ganacsada sidii dadka iyo xamuulka ay ugu kala qaadi lahaayeen qaaradaha aduunka,sida ugu fudud isla markaana ah amaanka ugu wanaagsan ee lagu safro,culimada sayniska waxay sheegeen in 200 boqol sano isku xigta hadii maalin walba aad diyaarad ku safartid,waxay ka amaan fiican tahay adigoo 1 bil gaari ku safra,sidaa awgeed waxaa la yiraahdaa "Flying Still One of Safest Ways to Travel".

Aqri qoraalka »

CARUURTA SOMALIDA EE QURBAHA KU NOOL SIDAY GANGESTAR KU NOQDAAN?

gangsCaruurta SOMALIDA ah ee qurbaha ku dhashay ama ku koray ayaa sanadadii ugu dambeysay waxaa soo food saaray arimo dhaliyey DIL iyo DHAAWACYO halis ah,taasoo ay saameeyn ku yeelatay dhamaan jaalliyadaha qurba joogta ee wadamada YURUB iyo WAQOOYIGA AMERIKA,caruurtan oo da'doodu  u dhexeyso 12 ilaa 24 jir ayaa waxaa la ogaadey in arimahan ku cusub qurba joogta ay isaga mid ka yihiin:

Aqri qoraalka »

QAABKA AY U QAADAN KARAAN DHALASHADA UK - SOMALIDA BAASABOORADA YURUB WADATA.

eu3Wadanka UK waxaa ku soo batay dad SOMALI ah oo wata BAASBOORADA YURUB,kuwaaoo ay ugu badan yihiin wadanka HOLLAND - NORWAY - TALYAANIGA - SWEDEN - JARMALKA - DENMARK iyo FINLAND,kuwaasoo inta badan ku dega wadanka boqortooyada Ingiriiska - BAASBOORADA ay wataan oo loo ogolyahay,laakiin wadanka Ingiriiska 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa ka talinayey xisbi dhanka midig ah oo ay maamulka iskula jireen mid garabka bidix,iyagoo mar walba isku daya sidii sharciga wadanka ay wax uga bedeli lahaayeen.

Aqri qoraalka »

IS BEDELKA CAYRTA UK IYO SAAMAYNTA QOYSASKA SOMALIDA! UPDATED 12.7.2015

money 

 

Wadanka Boqortooyada UK sanad walba waxaa dhaca is bedelo kala duwan ee dhanka GUNADA ama CAYRTA ay ku bixiso dadka danyarta ah ee ku nool wadamada isu tagay ee ENGLAND - SCOTLAND - WALES iyo NORTH IRELAND,shantii sanno ee ugu dambeysay wadanka waxaa isla maamulayey labada xisbi ee CONSERVATIVE oo garabka midig ah iyo LIBERAL DEMOCRATIC oo dhanka bidix ahaa,laakiin doorashooyinkii dhacay bisha MAAJO 2015,waxaa UK gebi ahaan ka dowlad ah xisbiga loo yaqaan TORY,kuwaasoo balan qaaday 10ka sanno ee soo socota in MIISAANIYADA wadanka wax ka bedeli doonaan.

Aqri qoraalka »

KENYA OO AAN LA SOO GELI KARIN VISA LA'AAN WIXII KA BILOWDA 1da SEPTEMPER 2015 "SPECIAL REPORT"

pvWadanka KENYA oo VISAHA uu bixiyo laga qaadan jiray GAROOMADA DIYAARADAHA ee wadankaas marka aad soo caga dhigatid ayaa gebi ahaan bedelay qaabkii hore,iyadoo iminka ay u gudbeen qaabka wadanka MAREYKANKA ee ah - ONLINE APPROVAL ama in aad codsi ka sameysid INTERNETKA,ka dibna laguu soo ogolaado,sida ay sheegeen waaxda socdaalka ee KENYA,qaabkan cusun ee VISAHA loo bixiyo wuxuu qaadan karaa 5 daqiiqo ama 5 maalmood.

Aqri qoraalka »

CUDURKA KAADI MACAANKA "DIABETES" MAXAA KEENA SIDA LOO DAAWEEYO IYO QAABKA LOOGA HORTAGO?

dCudurkan halista ah ee KAADI MACAANKA,KAADI SOKOROOW ama DIABETES,wuxuu ka mid yahay cudurada loo yaqaan "Chronic Diseases" kuwaasoo ah cudurada aan daawo loo hayn laakiin gacan ku hayn ama contoll lagu sameyn karo,cudurkan waxaa loo kala saaray laba nooc oo kala ah - TYPE1 iyo TYPE2 oo ah NOOCA 1 iyo NOOCA 2aad.

Aqri qoraalka »

WADANKA UK OO "BROADBAND IYO MOBILE CONTRACT" IS BEDEL WAYN LAGU SAMEEYAY

networksHadii aad tahay shaqsi ku nool wadanka UK,isla markaana isticmaala BROADBAND ama INTERNET "ISP" iyo telefoonka gacanta ee MOBILE PHONE,laga bilaabo 11.6.2015,is bedel aad u weyn oo dhanka HESHIINSKA "CONTRACT" ayaa lagu sameeyay,iyadoo tusaale ahaan shirkadaha INTERNETKA bixiya hadii aad u saxiixdid 1SANO, aysan kuu ogolaan in aad ka baxdid heshiiska ama contractka,hadii aad joojisana ay ku ganaaxayaan,shanka kale shirkadaha ugu waaweyn ee bixiya TELEFOONKA GACANTA sida - EE,T-MOBILE,3,VIRGIN,ORANGE iyo VADOFONE,ay inta badan saxiixaan 12 ama 24 bilooad,ayaa iminka lagu qasbay in ay u ogolaadaan macaamiishooda bedelida CONTRACT,waqtigii ay doonaan.

Aqri qoraalka »

QAABKEE LOO BEDELI KARAA MAGACAAGA HADII AAD KU NOOSHAHAY UK?


    pInta badan Somalida ku nool wadanka UK waa dad si QAXOOTINIMO ah ku soo galay,iyadoo ay isticmaalaan magacyo aan ahayn kuwii ay ku dhasheen ama loo bixiyay,taasoo mararka qaarkood xiliga ay helaan sharciyada wadanka UK ama BAASBOORKA ay ku adagtahay in Caruurtooda la siiyo magac iyo isir aysan shaqo ku lahayn,nasiib wanaag waxaa jira qaab aad u fudud oo lacag yar ku baxda isla markaana MAGACAAGA,MAGACA AABAHAA,KAN AWOWGAA,KAN CARUURTA aad waqti 5 maalmood ka yar ku bedeli kartid,iyadoo sharciga UK na uu waafaqsan yahay.

Aqri qoraalka »

IS BEDELKA DRIVING LICENCE UK IYO SAAMAYNTA SOMALIDA!

dl10Laga bilaabo 8.6.2015 waxaa is bedel aad u weyn lagu sameeyay ruqsada baabuurta lagu wado ee DRIVING LICENCE ama Somalida ay u yaqaanaan BATANTE,kaasoo wadanka UK laga isticmaali jiray sanadadii ugu dambeysay mid SAWIR ku dhegan yahay iyo waraaq mar walba ay muhiiim ahayd in ay la socoto,taasoo loo yaqaano COUNTER PART oo la,aanteeda aan waxba kuu qabsami karin hadii loo eego dhanka BOOLIISKA,CAYMISKA iyo KIREYNTA GAWAARIDA ama CAR RENTAL.

Aqri qoraalka »