Information for Community and Investigation

FARSHAXANKA AMIIN CAAMIR MA RA'YIGIISAA MISE MEEL KALE AYUU KOOBI KA SOO SAMEEYAA? SOLA INVESTIGATES "UPDATED APRIL 2019

On 5/8/2016 (IST)

Waagii berisamaadka waxaan Radio Muqdisho ka maqli jiray AMIIN CAAMIR iyo CALI MALEEXAAN "AUN" oo dhanka farshaxanka ku gacan yaraystay,iyadoo inta badan lagu arki jiray caasimada Somaliya iyo gobolada qaarkood sawirro aad u qurux badan uu sameeyay AMIIN CAAMIR oo dowlada Somaliya iyo Xisbiga aad u amaani jiray, burburkii ka dib AMIIN CAAMIR wuxuu ka mid noqday dadkii qurbaha u soo haajiray isagoo dalka Jabuuti ka dib u  gudbay wadanka KANADA oo iminka uu ku nool yahay, wuxuu aad uga faaloodaa isagoo isticmaalaya sawir gacameed siyaasada Somaliya iyo wadamada ku hareera oo iminka ciidamo farabadan ay wadanka ka joogaan.

Qofkii yiraahda AMIIN CAAMIR ma ahan farshaxaniste ama dhamaan sawirradiisa waa KOOBI! BEEN ayuu sheegay, laakiin waxaa sanadadii ugu dambeeyay dad badan ay ku eedeen in uu yahay shaqsi ku shaqeysta sawir gacmeedka oo TARGET ka dhigta oo keliya GROUP isaga iyo asxaabtiisa ay ka soo horjeedaan isla markaana AMAAN aan mudnayn uu siiyo dadka ay isu dhow yihiin hadii ay ahaan lahaayeen dad warbaahin iska leh ama kuwa si gooni ah ay isu fahmeen.

Dadka inta badan uu ka daba qaato waa siyaasiyiinta Somaliya qaarkood,iyadoo kuwa kalena aan hal mar wax ka soo qorin.

 


 

APRIL 2019

Amin Caamir ayaa waqti aad u dheer dagaal kula jiray Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismail Cumar Geelle oo waqtigii uu ka soo qaxay dagaalkii sokeeye ee Somaliya marti ugu ahaa wadanka Jabuuti, Sahriif Xassan hadii laga reebo waa shaqsi kale ee uu ka sameeyay sawirada ugu faraha badan ee lagu arko baraha uu ka isticmaalo Social Media.


 

Tusaale ahaan eeg farshaxanka hoose oo ah sawiro aad u tira badan oo uu ka sameeyay Madaxweynaha KOOFUR GALBEED Mudane Shariif Xassan,ma jiro shaqsi u dhow oo intaa CARTOON ah laga sameeyay,sababtu ma is weydiiseen? 286 sawiro ah ayuu ka sameeyay SHARIIFKA!

 

Sawirada farshaxanka ah ee AMIN AMIR ee KOOBIGA uu ku sameeyay hoos ka eega:

Linkiga ORIGINAALKA ah ee sawirka midig hoos ka eeg:

 

Iminka eeg sawir kale oo koobi uu ku sameeyay.

 

Linkiga ORIGINAALKA ah ee sawirka midig hoos ka eeg!

Iminka eeg sawir kale oo koobi ah.

 

Linkiga ORIGINAALKA ah ee sawirka midig hoos ka eeg:

 

Sawirka kale oo Koobi ah:

 

Linkiga ORIGINAALKA ah ee sawirka midig hoos ka eeg:

KARTOONKA uu soo qoro inta badan waa kuwa RUNTA ka hadla,wuxuu mararka qaarkood soo geliyaa boggiisa FACEBOOK  VIDEO CARTOON ah oo HEESO ay la socdaan.

Shabakada SOLAPORTAL.COM ayaa u kuura gashay sawirro aad u farabadan oo AMIN ARTS uu sameeyay,kuwaasoo runtii u muuqday NOOC EUROPEAN ah ama EUROPEAN STYLE,saa awgeed waxaan isku daynay in aan ka sal gaarno YAA SAMEEYAY sawirrada inta badan aan ku aragno AMIN ARTS?.

Cartoonka ugu dambeeya ee aan ka helnay INTERNETKA inagoo isticmaalnay algorithm waxaa iska leh ra'yigiisa iyo farshaxankaba DAVID HORSEY oo farshaxanka gacanta u sameeya jaraa'idka wayn ee LA TIMES.

 Sawirka hoose waa farshaxan uu hore u sameeyay sanadkii 2013 ANDY MARLETTE ,sidaan ku aragno AMIN ARTS wuxuu koobi aad isugu eg ku sameeyay sanadkan aan ku jirno ee 2016.

 

 

Cartoon kale oo AMIN ARTS uu ka soo KOOBI gareeyay shabakada http://www.cartoonmovement.com/cartoon/7010 oo ay ka sameeyeen dagaalka sokeeye ee SYRIA ayuu u bedelay mid duqii hore ee Muqdisho TARZAN uu kaga hadlay isagoo ku eeday in uu GURYAHA MASAAKIINTA uu dhaco.

 

Cartoonka uu ka sameeyay TARZAN 2013 wuxuu ku eeday in masaakiinta uu guryahooda ka dhaco.2016 Amin Arts wuxuu soo geliyay shabakadiisa mid uu ku amaanayo TARZAN!,maxaa isbedelay.

Waxaa kale oo aan helnay CARTOON uu hore u sameeyay farshaxanistaha weyn ee CARLOS LATUFF oo u dhashay wadanka BRAZIL aadna u taageera qadiyadaha dadka la gumeysto oo ay ugu horeeyan reer FALASTIIN.

Sawirrada qaarkood aan ku aragno AMIN ARTS waxaa iska leh oo gacantiisa ku qoray FARSHAXANISTA caanka ah ee A.F. Branco oo u dhashay wadanka Mareykanaka si fiicana looga yaqaano iyo kuwa kale oo INTERNETKA ku jira.

Ugu horeyn aan eegno shabakadiisa iyo qaabka uu u sameeyo farshaxanka gacanta,wuxuu aad u taageeraa siyaasadaha GARABTA MIDIGTA!.

http://comicallyincorrect.com/

Iminka aan isla eegno SAWIRRADA uu KOOBIGA ku sameeyay,ka dibna uu magaciisa ku qortay AMIN ARTS,kaasoo sharci daro ka ah dhamaan aduunka oo lagu magacaabo PLAGIARISM ama KOOBI aad si sharci daro ugu sameysay shaqo qof kale waqti iyo lacag uu geliyay.

SAWIRRADA HOOSE EE ORIGINAALKA IYO KAN KOOBIGA AH ISU EEGA IMINKA:

 Waxaa kale oo aan aragnay in shabakada caanka ah ee http://www.caglecartoons.com uu AMIN ARTS KOOBI aad u farabadan uu ka sameeyay,eeg sawirrada hoose:

 

Iminka aan isla eegno sawir gacmeed kale oo AMIN ARTS uu ka soo koobi gareeyay shabakada farshaxanka ee http://comicallyincorrect.com/

 

 

Sida aan ku aragno qoraalka hoose ee farshaxanistaha BRANCO wuxuu yiri marwalba waa la isticmaali karaa CARTOONKA,laakiin waxaan idinka codsaneynaa in meesha ASALKA ah ee uu ka soo jeeday aan la iloowin,taasoo AMIN ARTS gebi ahaan ka masaxay shabakadiisa iyo sawirrada uu soo geliyo.

Sawirka hoose AMIN AMIR wuxuu isku dayay in uu wax ka bedelo qaabka iyo qoraalka,laakiin waa sawir qof walba uu fahmi karo in uu yahay KOOBI.

AMIN ARTS wuxuu kaloo KOOBI farabadan uu ka soo sameeyay FARSHAXANISTAHA wey ee u dhashay wadanka HINDIYA ASEEM TRIVEDI oo inta badan sawira KARTOOMADA siyaasada

http://www.aseemtrivedi.in/search/label/cartoonseries

 

 

Markii aan isu eegnay shabakada farshaxanka ee AMIN ARTS iyo kuwa kale ee INTERNETKA ku jira waxaan aragnay in sawiro aad u farabadan ay boqolkiiba 80 ay isu eg yihiin,taasoo ah KOOBI gebi ahaan SAWIRRADII ORIGINLKA ah laga bedelay.

AMIN AMIR inta badan waxaa lagu eedaa in SAWIRRADA farshaxanka aanu ka sameyn siyaasiyiin iyo dad musuqmaasuq ku jira,shaqsiga ARTISTAHA ah mar walba waxaa lagu qiimeeyaa sida uu u leeyahay "integrty" isla markaana wax walba uu dhex-dhexaad u yahay.

Ugu dambeyn waxaa muhiim ah in marnaba aan la xaqiri karin Mr CAAMIR in uu yahay FARSHAXANIISTE,laakiin in uu KOOBI ku sameeyo shaqo waqti badan uu geliyay qof kale,waxay la mid tahay arimaha BEEN abuurka ee sawirradiisa maalin walba laga sameeyo ee uu FACEBOOK iyo SHABAKADIISA uu kaga andacoodo.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com