Information for Community and Investigation

XOD-XODASHADA IYO AWR ISKU-KACSIGA ISAAQ IYO HAWIYE WAA SHAR DAB-GELIN KARA? QALINKII USTAAD MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

On 5/27/2019 (IST)

Maxamed Ibraahim Cigaal. AHN, ayaa xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa u yimi wefti Eritrean ah.

Waa berigii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo Maxamed Faarax Caydiid. AHN, ay xoogga ugu dagaallamayeem Koonfur.

Weftiga Eritrean-ka ahi waxa ay Cigaal u sheegeen in berigii ay jabhadda ahaayeen in ay Tigreega kiciyeen oo 1975 u hubeeyeen in ay ku taageereen in ay jabhad hubaysan samaystaan.

Waa ay samaysteen jabhaddii, waxanay labada dhinac ku heshiiyeen in marka Itoobiya la qabto in Tigeegu madaxbannaani siiyaan Eritrea. “Waana tii dhacday”, bay yidhaahdeen.

Waxa kale oo weftigu yidhaahdeen “waa taa hadda labada qolo Koonfurta ku dagaallamayaan. Tii aad taageertaan baana guuleysanaysa”.

Waxa ay soo jeediyeen Caydiid taageera oo marka uu Cabdillaahi ka adkaado ee uu dawlad dhisto la hadla, waa uu idin yeeli doonaaye.

Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi “oo markaa waxa aad i leedihiin, reero ayaannu nahaye, Fagadhe is dila”!

Fagashe, AHN, waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland ee maalintaas, waxa aanu ahaa nin Daarood ah oo weliba Harti ah.

Xildhibaan Cabdilqaadir Ismaaciil Jirde ayaan sheekadan ka soo dheegtey hadal uu ka jeediyey xuskii 16aad ee geeridii Cigaal, AHN.

Dhacdooyinka taariikhda ee foosha xumi waa gunnimo haddii ay isu soo celceliyaan sida biyaha calcalyada ah ee xarfanaya meel bannaan.

Maanta se Cigaal ma joogo oo waa “meel libaax ka kacay atoor fadh fadhiisey”!

Mid kalaan xusuustay oo ah shirkii Dir ee Iyoobiya ka dhacay iyo doorkii Somaliland ay ku lahayd oo arrintan is beerlaxawsigu ku taxmi karto.

“Waa nin madaxu buko oo minjaha deyey”!

Kooxo intii wax isla oggolayd ku guul-darraystay in ay mideeyaan oo colaad dhexdooda geliyaan isuna soo dhoweyn karaan, mana midayn karaan in awel ba kala fogeyd oo dayr dhex yiil.

Hawiye iyo Isaaq mid waliba gaarkiisa ayuu xanuun ula taahayaa oo sariirta ula ula jiifaa. Haddii labada cudur la isu keeno waxa ka faafi cudurro kale oo aan dawo yeelan marka laga yimaaddo boogta weyn ee dib u milil dillaaci doonto.

Waa “raad arooryo oo dib loo raacay”! Karis xun se iyana wax ku la’.

Maanta waxa door noqon lahayd in qolo kasta iyadu isa soo shashafayso oo gudaheeda iska hagaajiso.

Hooyo caano i sii iyo horta reerku ha dego saw carruurta laguma odhan jirey?

Maalinta talo saalloonaato in la isu yimaaddo oo laba loo wada hadlo: Soomaaliya oo isku dhan is wadata iyo Somaliland oo isku dhan oo is wadata wixii ka sokeeyaa “waa kud ka guur oo qanjo u guur”. “Ka fiirso intaanad falin, fari na togdheer bay kula xushaa”!

Belo ka hortag bay leedahay ee dabo la qabto ma leh! “Waar hooy ka daayaannu idin leennahay”!

W/Q: Mohamed Baashe Xaaji Xasan